Skip to main content

Bayaanka Socdaalka

Waaxda Dhallinyarada Degmada Washington Bayaan la Xidhiidha Warkii Dhawaa ee Shuruucda Socdaalka

Kani waa wakhti walaacu sarreeyo bulshadeena iyo waddankeena. Dad badan waxay la yaaban yihiin sida Amarkii Sare ee Janaayo 25, 2017 ee socdaalku u beddeli doono acmaashayada maxalliga ah ee Waaxda Dhallinyarada. Waxaanu rabnaa inaanu caddayno in amarku aanu beddeli doonin acmaasheena. In kastoo ay shaqadayada tahay inaanu ka jawaabno xadgudubyada sharciga, haddana ma aha masuuliyaddayada inaanu fulino sharciga socdaalka fadaraalka. Sharciga Oregon iyo go’aanka maxkamadda degmadda ee fadaraalku waxay ka mamnuucayaan fulinta sharciga maxalliga ah fulinta sharciga socdaalka ama sharfidda codsiyada xabbisaha Fulinta Socdaalka iyo Kastamka (Immigration and Custom Enforcement (ICE)).

Himilada Waaxda Dhallinyarada Degmadda Washington waa inay ilaaliso dadwaynaha iyada oo yaraynaysa dambiyada da’yartu gasho, inay soo celiso dhibbanayaasha waxyeelo ka soo gaadhay dambiyada da’yarta iyo inay isticmaalaan dhaqano wax-ku-ool ah si loo baro dhallinta habdhaqan masuulnimo. Marka aanu kujirno shaqadayada, waxa naga go’an hubinta in dhammaan xubnaha bulshaddeena, iyada oon la eegayn qoomiyadda, midabka, jinsiga, waddanka qofku ka soojeedo, diinta, ama xaalad kasta oo kale oo la ilaaliyey, ay si siman galaangal ugu yeeshaan hannaan caddaalad ah iyo adeegyada iyo taageeradayada.

Waxaanu rabnaa inaanu hubino in dhammaan dhibbanayaasha dambiga dhallinyaradu ay u yeeshaan galaangal aan xayirid lahayn caddaaladda iyo in dambiilayaasha dhallinta ah ay galaangal u yeeshaan waxbarasho iyo la-dhaqan habboon oo bulshaddeena dhexdeeda ah. Waxaanu rabnaa in dhammaan xubnaha qoysku awood u yeeshaan inay aaminaan inay ammaan ku heli doonaan gudaha dhismayaasheena iyo bulshadda. Waxaanu sii wadi doonaa inaanu xoojino qoysaska DHAMMAAN xubnaha bulshaddeena maadaama oo naloo dhiibay shaqadan muhiimka ah.

Back to top